DFS oo madaxda Jubbaland kala noqotay Passport-ka diblomaasiga

20 Feb 2020 (Puntlandes) Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Passport-ka kala noqotay Wasiiradii iyo Xildhibaanadii hore ee Jubaland, iyo sidoo kale siyaasiin heestay Passport-ka islamarkaana taageersan Axmed Madoobe.

Wararkaas ayaa intaas ku daraya in Immigration-ka Soomaaliya uu Cancel-gareeyay Passport-ka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenada, halka Wasiiro iyo Xildhibaano Muqdisho yimidna laga qaaday.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka hore ee Jubaland ayaa Warbaahinta u sheegay in lagala noqday passport-ka diblomaasiga ayna kala wareegeen Immigration-ka Soomaaliya isaga iyo wasiiro iyo Xildhibaano kale, oo qaarkood hadda shaqeyaan.

“Waxaan ku suganahay Muqdisho waxaana noola diiday Passporta-ka diblomaasiga, waxaana la sheegay in dowladda Soomaaliya ay bixisay amarkaas” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka hore ee Jubbaland.

“Aniga kaligeey ma ahan waxaa ku jira wasiiro iyo Xildhibaano kale, xataa waxaa noola sheegay in laga qaaday madaxda sare, qaarna hadda laga qaadi rabo” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, taas oo la sheegay in markale Madaxweyne loogu doortay Axmed Madoobe.

Khilaafka Dowladda iyo Maamulka Jubaland ayaa saameeyay guud ahaan degaanda maamulkaasi iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Puntlandes.com

About The Author