Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday Taliye kuxigeenka Xoogga Dalka

20 Feb 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise oo xilkan loo magacaabay bishii October ee sanadki hore 2019.

Qoraal lagu faafiyay barta Facebook ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in ‪Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah. ‬

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xil ka qaadista Gen Bariise loo xaglinayo dhanka Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, oo xiriir dhow ay ka dhaxeeyaan, sidoo kale ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa horayna ula soo shaqeeyay.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in xil ka qaadista ay tahay soo jeedin ka timid dhanka Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sadexdii sano ee la soo dhaafay waxaa soo martay illaa afar Taliye ciidan iyo afar kuxigeen, waxaana loo aaneynayo in weli Taliska Xoogga dalka uu ku jiro jahwareer iyo saldhigasho la’aan dhanka hoggaanka.

Puntlandes.com

About The Author