Xoghayahii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xilka laga qaaday yaa loo magacaabay?

20 Feb 2020 (Puntlandes) Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Siciid Xaaji Maxamed Dheere ayaa maanta waxaa xilka ka qaaday wasiirka Arimaha Dibadda DFS Axmed Cawad oo qoraalka ku sheegay inuu ku amray Raysul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Siciid ayaa ka soo jeeda Puntland.

Waxaa sidoo kale amarka Khayre Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda loo magacaabay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Jabuuti Amb. Maxamed Cali Nuur oo ka soo jeeda Galmudug.

Puntlandes.com

About The Author