Daawo Ahlusunna oo hubkeeda iyo ciidankeeda ku wareejisay dowladda Soomaaliya

29 Feb 2020 (Puntlandes) Dagaal q araan oo socday mudo labo maalmood ayaa saaka isku dhiibay dawladda Federaalka Soomaaliya hogaamiyaashii Ahlusunna iyo ciidankoodii ka dagaalamayey xaruntooda magaalada Dhuusamareeb ee xero Enji.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlusunna ee isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan dagaalladii ugu dambeeyey ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn Shaakir ayaa sheegay in amnigooda, tii magaalada Dhuusamareeb, masuuliyada hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan, General Mascuud Maxamed Warsame oo ah taliyaha guutada 15-aad ee eaybta 21-aad, kaas oo horay uga tirsanaa Ahlu Sunna.

Shaakir ayaa sidoo kale sheegay inay u tanaasuleen shacabka, si loo soo afjaro dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug

“Waxa aan u tanaasulnay shacabka, dhibaatooyinkii ka dhacay Caasimadaan waxa aan go’aansanay in aan soo afjarno, marka aan aragtay in dhib badan uu soo wajahan yahay, kana badan kii dhacay, horay waxaa amniga ugu dhiibnay dowladda, waxaana markale caddeynayaa in aan ku wareejinayay amniga Galmudug oo dhan, waana in ay mas’uuliyadda qaadaan, iyada ayaanna ku ognahay si ay usii hagaajiso” ayuu yiri Shaakir.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ““Generaal Mascuud in uu la wareego ciidankii halkan joogay kabacdina masuuliyadda amniga dadka masuuliyiinta ah oo mashaa’ikhda ah uu masuul ka yahay oo uu ilaalinayo matalanba ilaalinta amnigooda ha noqoto ama ha noqoto wixii kale oo ay dadka u fulin jireen”

Puntlandes.com

About The Author