Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo wada hadal khadka taleefanka dhex maray

05 Marso 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan ku eedeysay dowladda Federaalka inay xadgudub ku sameysay madax banaanida iyo sharafta dalkeeda, gaar ahaan in Ciidamada Soomaaliya ku soo xadgudbeen dhulka Kenya 2dii bishii March xilli ay dagaalo ka dhaceen degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Puntlandes.com

About The Author