Akhriso Ahlu Sunna oo eedeyn culus u jeediyey dowlada federalka

08 Marso 2020 (Puntlandes) Madaxda Ahluunna oo ku sugan Garowe ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay ku muujinayaan inay wali ku jiraan siyaasada iyo gobolada Dhexe ee Soomaaliya (Galmudug), waxayna ku eedeeyeen dowlada federaalka in dagaalkii Dhuusamareeb u adeegsadeen hubka sharci darrada iyo sunta kiimikalka.

War-Saxaafadeed ayaa lagu sheegay in intii ay ku sugnaayeen Xero Inji ee magaalada Dhuusamareeb la saarey cunaqabateyn, loona diiday in la galo xarunta lagana soo baxo.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamo ay tababareen Turkiga iyo Maraykanka loo adeegsaday, waxaana ay dowladaha loogu baaqay inay ka fiirsadaan.

Sidoo kale waxaa uu ururka Ahlusunna codsaday in baaritaan lagu sameeyo dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb dhamaadkii bishii hore.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka


Puntlandes.com

About The Author