Somaliland iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixday

09 Marso 2020 (Puntlandes) Somaliland iyo Ururka Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Hargeysa heshiis ku kacaya 7 malyan oo dollar.

Heshiiskaan ayaa waxaa u saxiixay maamulka Somaliland Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo halka Midowga Yurub uu u saxiixay ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in heshiiskaani muddo laga soo shaqeynayey, isla markaana lagu horumarin doono dhanka caddaalada iyo ciidamada.

Sidoo kale wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa hoosta ka xariiqay inuu ururka Midowga Yurub uga mahadcelinayo, sida uu mar weliba u garab taagan yahay xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in ay tani xoojineyso wadashaqeynta u dhexeysa labad dhinac.

Amb. Nicolas Berlanga oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay inay kordhin doonaan mashaariicda uu ururka Midowga Yurub ka fulinayo deegaanada maamulkaasi.

Puntlandes.com

About The Author