Sawirro: Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay ganacsatada ka hawl gasha Puntland

15a2a2

18 Marso 2020 (Puntlandes) Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay ganacsatada ka hawl gasha Puntland.

Kulankan waxaa shir Gudoominaayay Wasiirku-xigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi ayadoo ay ku weheliyeen Wasiirku-xigeenka Dakhliga Yaasiin Darmaan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Shirkan oo socondoona 2 maalmood ayaa Madaxda Dawladda iyo Ganacsatadu waxa ay ka wada hadli doonaan wax yaabo ay ka mid yihiin.

1- sidii ay xog ukala qaadan lahaayeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada ka hawl gasha Puntland.

2-In ay Ganacsatadu inta shirku socdo soo gud-biyaan caba-shooyin kooda ku aadan dhanka Cashuuraha ay qaado Wasaaradda Maaliyaddu.

3-In Madaxda Wasaaraddu kulan kan uga faa’idaysato in Ganacsatada siwayn loo faham siiyo Cashuurta ku waajibay.

Iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Dawladda iyo Ganacsatada ka hawl gasha Puntland.

Wasiirku-xigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi ayaa Ganacsatada uga mahad celiyay ka soo qayb galka shirkan oo ah mid muhiim ah.


Puntlandes.com

About The Author