Daawo Video: Puntland oo jawaab adag ka bixisay eedeyntii wasiirada DFS

21 Marso 2020 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray masuuliyiintii dowladda Federaalka Soomaaliya ee qeyb galay shirkii wadatshiga Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dawladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay dhinac taagnaayeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkii wadatashiga Puntland qodobadii ka soo baxay sidii madaxweyne Deni u caddeeyey ay dawladda Puntland sidoodii u fulin doonto.

Sidoo kale wasiiradda Puntland ayaa xusay in Madaxweyne Deni uusan Muqdisho u tagayn wada hadal uu la galo madaxda Federaalka, basle uu tagayo u gogol xaarka shirka ay Puntland ugu baaqday dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in shirwaynaha wadatashiga Puntland uu ahaa shir Puntland leedahay, ee uusan ahayn shir Puntland & Dowladda Federaalka u dhaxeeyey, sidoo kale nuusan Shirawaynuhu ahayn mid cid gaar ah loogu casuumay inay qorshayaal iyoajendayaal ay leedahay ay keento.
Wasiirku wuxuu kale oo sheegay in Madaxweyne Deni booqashadiisa Muqdisho aysan ahayn wadahadal ama gorgortan uu la galayo Dowladda Federaalka ee uu yahay kalan gogolxaar u ah shirka wadatashiga Somaliya ee Puntland qabanqaabineyso.

Daawi shirkii jaraaid ee wasiirka

Puntlandes.com

About The Author