Sawiro: Daawo garoonkii diyaaradaha ee Baraawe uu dhawaan xariga ka jaray RW kahyre

28 Marso 2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre oo socdaal shaqo ku gaaray 10kii bishaan marso 2020ka magaaladda Baraawe dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha magaalada oo ay dawladdiisu ku sheegtay in si heer sare ah loo dhisay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in dhammeystirka dhismaha garoonka ay astaan u tahay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dib-u-dhiska Soomaaliya, kaabayaasheeda dhaqaale iyo isku xirka dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dalka iyo dunida inteeda kale.

Fadeexad wayn oo ah sida loo musuqmaasuqay dhismaha Garoonka ayaa gelinkii dambe ee shalay soo ifbaxday, ka dib markii roobab ka da’ay ay burbur u gaysteen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe.

10kii marso 2020 RW Kahyre oo xariga ka jaraya Garoonka

Garoonkan ayaa waxaa la sheegay in ay dhismihiisa ku baxday adduun lacageed oo dhan afar dhibic saddex milyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.3m), hase yeeshee marka laga reebo sar yar oo garoonka ka taagan, xitaa ma lahan dhabbo ay diyaaradaha ku ordaan, waxaana looga tegay bacaad.

Hase yeeshee, waxay noqotay arrin dad badani ka yaabisay burburka xoogan ay roobab da’ay Jimcihii ay u gaysteen Garoonka Baraawe, taa oo muujinaysa inaanan si sax ahi loogu hawlgelin dhismihiisa.

Garoonka oo si macmal uun loo dhisay ayaan hadda ka dib awoodi doonin in ay duulimaadyadu ka deggaan, bacdamaa ay burburtay dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee bacaadka ahayd.

Midowga Yurub oo maalgeliyay dhismaha garoonkan ayaa u wakiishay Hay’adda Somali Stability Fund (SSF). SSF ayaana qandaraaska dhismahaasi ku wareejisay shirkad kale, waxaana gacmaha badan ee la marsiiyey mashruuca lagu lunsaday malaayiin dollar.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeedba ayaa lacagtii loogu talagalay dhismahaasi uga faa’ideen in ay dadka deegaanku yeeshaan garoon muddo fog shaqayn kara.

 


Puntlandes.com

About The Author