Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii lala eegtay

29 Marso 2020 (Puntlandes) Alle ha u naxariistee waxaa Cisbitaalka Garowe ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo caawa dhaawac culus ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garowe.

Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame  (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna qaraxa ku dhaawacmay.

Qaraxaas oo dhacay fiidnimadii caawa, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay malayshiyaadka  Alshabaab, kadib qoraal ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta kooxdaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo qaraxa ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay in baaritaan lagu hayo cidda ku lug leh.

AUN marxuum Cabdisalaan wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya oo wax kusoo bartay dalka Russia,wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland, sida Taliyaha booliska, Duqa magaalada Garowe, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xilal kale.

Puntlandes.com

About The Author