Daawo Madaxweyne Deni oo ka hadlay geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal iyo hortagayo Cudurka Covid19, go’aano culusna soo saaray

30 Marso 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’antahay inay ciribtirto nooc-kasta oo argagixiso ah, falalka noocaasi oo kale ahna aysan cabsigelineyn Dowladda iyo Shacabka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu faray dhammaan Hay’addaha Dowladda in la fulliyo go’aamada looga hortagayo Cudurka Covid19 ee ay saareen Guddiga Dowladda u qaabilsan ka hortaga Coronavirus , dhinaca kale wuxuu Madaxweynuhu ugu baaqay Shacabka Puntland inay u hoggaasamaan awaamiirta – ku saabsan wacyigelinta iyo ka hortaga cudurkaasi.


Puntlandes.com

About The Author