Sawirro: Wasaaradda caafimaadka Puntland oo WHO kala wareegtay Shaybaarka (PCR Machine) ee lagu baaro caabuqa Covid-19
23 April 2020 (Puntlandes) Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda WHO Shaybaarka (PCR Machine), kaas oo lagu baaro caabuqa Covid-19.
Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan ayaa kala wareegay Madaxa WHO Puntland Rehab shaybaarka xanuunka Covid19. Wasiirka ayaa marka uu la wareegay uga mahadceliyay hay’adda in shaybaarka soo gaarsiiyeen waqtigii loo baahnaa.
Wasiirka ayaa ku dhawaaqay isla maanta in maalinta sabtida la bilaabi doono in shacabka reer Puntland laga baaro cudurka Covid-19
Qalabkaan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya in dhakhso loo helo jawaabta dadka la baaro halka awal dalka dibadiisa laga soo samayn jiray baaritaanka.











