Madaxweynaha Dowlad Galmudug oo ku dhawaaqay Golaha wasiirrada dawladiisa (muuqaalo)
23 April 2020 (Puntlandes)Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay Golaha wasiirrada ay yeelanayso dawladiisa, taas oo ay ka dhex muuqdaan siyaasiyiin iyo xildhibaano ku jira Golaha Shacabka.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo soo noqday Talyihii NISA ee Dowladii Sheekh Shariif ayaa noqday wasiirka Amniga, sidoo kale Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa loo magacaabay Wasiirka Dekedaha, Farxaan Cali Gaban Wasiirka Maaliyadda.

