Daawo muuqaal Faroole, Gaas & Senetor Jurile oo kubaaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo hawlaha gurmadka Qardho

30 April  2020 (Puntlandes) Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo uu weheliyo Senetor Jurile ayaa ku baaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo hawlaha gurmadka magaalada Qardho.

Faroole, Gaas iyo Jurile ayaa ugu horrayn bogaadiyay dadaallada ay xukuumadda Puntland hormuudka u tahay ee loogu gurmanayo shacabka magaalada Qardho, kadib fatahaaddii khasaaraha badan dhalisay ee halkaasi ka dhacday.

Faroole, Gaas iyo Jurile ayaa waxay cod midaysan ku sheegeen in ay madaxweynaha Puntland ku taageersan yihiin, guddiga uu u magacaabay gurmadka shacabka Qardho, ee waxyeeladu ka soo gaartay daadadkii ku rogmaday degmadaasi.

Sidoo kale waxay sheegeen in aan marnaba la aqbali Karin, in guddiyo kale laga dhinac sameeyo guddiga gurmadka Qardho ee dowladdu magacowday, sidaas darteedna cid kasta oo wax bixinaysa ay ku hagaajiso guddiga dowladda Puntland.

Ugu dambyentii, waxay u mahadceliyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga soo jawaabtay gurmadka Qardho, islamarkaana Puntland soo gaarsiisay lacag dhan hal milyan oo Dollar.


Puntlandes.com

About The Author