Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in 500 meyd lagu aasay qabuuraha Muqdisho maalmihii u dambeeyay

9a1a6

02 May 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay diiwaan geliyaan tirada meydadka la geeyo maalin walba qabuuraha ku yaala magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in kullamada uu shir guddoomiyo Ra’iisul wasaaraha ee la xiriira arrimaha Covid-19 hey’ad walba howl loo diro, isagoo xusay in maamulka Gobolka Banaadir loo diray inay ka soo warbixiyaan tirada meydadka maalin walba la aaso.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa yiri “Tirada meydadka qabuuraha la geeyo laga soo bilaabo 19-kii bishii april iyo iyo 1-da May waxay caga cageyneysaa 500 oo meyd”

Guddoomiyihu wuxuu sheegay in tiradii ugu badneyd ee ay gudbiyaan maalin qura ay aheyd 49 meyd, halka tirada ugu yar ay ka aheyd 22 meyd, waxaa uu xusay inay xalay oo taariikhda aheyd 1-da May gudbiyeen 32 meyd.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in qabuuraha ku yaalla magaalada Muqdisho la geeyay meydad badan, iyadoo dadkaas loo maleynayo inay u dhinteen cudurka Coronavirus, inkastoo aan baaritaan dhab ah la marin.

About The Author