Daawo Video: Xaliimo Yareey oo sheegtay inay markii sharciga doorashada la dhamaystiro, loona dhiibo, loona diyaargaroobo doorasho ay qabanayaan
06 May 2020 (Puntlandes) Xaliimo Yareey oo sheegtay inay markii sharciga doorashada la dhamaystiro, loona dhiibo, loona diyaargaroobo doorasho ay qabanayaan
Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka heer Federaal Xaliimo Yareey ayaa caddaysay inay carqabad u tahay dhamaystirka Shaciga Doorashada oo ay sugayaan.
Guddiga labada Aqal ee Baarlaamnka Federaalka aya loo xilsaaray afarta xeer ee ka dhimay Shaciga Doorashada , kuwaas oo kala ah Qoondada Haweenka , Somaliland xaggee lagu qaban doorashadeeda, Muqdisho iyo Kuraasta xaggee la kala gaynayaa.
Xalimo Yareey oo la waydiiyo watiga ay doorashada ku qaban karaan ayaa waxay sheegtay in doorashadu sideedaba ay waqti leedahay, diiwaangelintu waqti ayey leedahay..maalinta doorashada la qabanayo waqti bay leedahay, iyadoo caddaysay inay ku xirnaan doonto maalinta lagu wareejiyo sharcoiga doorashada oo dhamaystiran.
Xaliimo Yareey ayaa caddaysay inaysan samayn diiwaangelintii ay ahayd inay sameeyaan Maarso sanadkaan, waxayna u sababaysay Sharciga Doorashada oo kala dhantaalan ayna sugayaan in lagu soo wareejiyo isagoo dhamaystiran.
Dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo wax laga waydiiyey waxay ku gaabsatay inay markii sharciga loo dhiibo loona diyaargaroobo doorasho ay qabanayaan.
Puntlandes.com