Sawirro: Ciidamada Puntland oo Bosaso ku fashiliyay weerar argagixiso
09 May 2020 (Puntlandes) Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo malayshiyaad ka tirsan Argagixisada Daacish.
Inta la xaqiijiyay, hal askari oo ciidanka PSF ah iyo xubin ka tirsan malayshiyaadka Daacish, ayaa ku dhintay iska hor-imaadka, waxaana nolosha lagu qabtay xubin kale oo Daacish ah, kadib markii uu dhaawacmay.
Sidoo kale, ciidanka PSF ayaa gacanta ku dhigay gaari ay wateen kooxda Argagixisada Daacish, kaas oo ay ku jiraan hub iyo qaraxyo ay doonayeen in ay ka fuliyaan gudaha magaalada Bosaso.



