Sawirro: Dekadda Garacad oo insha Allah 3 bilood kadib ay ku soo xiran doonaan Doonyaha iyo Maraakiibta (muuqaal)
12 May 2020 (Puntlandes) Waxaa maanta Dhismaha Dekedda Garacad laga daahfurey dhismaha qaybta Doonyaha iyo Maraakiibta yar yar , waxaana dhismaha qaybtaan lagu dhameyn doono mudo 3 bilood ah .
Doonyaha iyo Maraakiibta ayaa ku xiran doonaan iyadoo ay bar bar socoto dhismaha Dekadda Garacad. Puntland ayaa 3 bil kadib yeellan doonta laba de kaddood oo ku kala yaala badda Cas iyo badda Hindiya.



