Sawirro: Wasiirka Maaliyadda oo kullan Bosaso kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland

5g

14 May 2020 (Puntlandes) Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka barri ayaa waxaa kulan ku yeeshay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland.

Kulanka oo gudoomiyey Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Dekeddaha, Wasiirku- xigeenka Dekeddaha, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Duqa Degmada, Taliyaha qaybta Boliska Gobolka barri, Taliyaha Ciidamada Dekedda boosaaso iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo uu shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa looga hadlay

1- Xaalada Cudurka Corona Virus ee Gobolka iyo sidii Bulshada looga Waciyigalinlahaa

2- Kor uqaadida dakhliga iyo gacan siinta laamaha ku shuquleh

Iyo qodobo kale oo ku aadan horumarinta kaaba-yaasha dhaqaale ee Gobolka barri

Shirkan ay wada yeesheen madaxda Dawladda Puntland oo qaatay saacado dheeraad ah ayaa ku soo dhamaaday balaqaad ah hirgalinta wax yaabihii looga dooday.


Puntlandes.com

About The Author