Akhriso Bayaankii ay guddiga suluxa iyo badbaadinta qaranka soomaaliyeed Muqdisho kasoo saareen 15 may 1990
16 May 2020 (Puntlandes) Guddiga suluxa iyo badbaadinta qaranka soomaaliyeed ayaa Bayaan kasoo saaray 15kii May 1990kii xaaladii murugada lahayd ee dalkuk u jiray, iyadoo uu Bayaankoodu xambaarsanaa talooyin lagu gaari karo sulux iyo laguna badbaadin karayey Qaranka Soomaaliyeed oo burbur qarka u saarnaa.
Guddiga suluxa iyo badbaadinta qaranka soomaaliyeed waxa uu ka koobnaa odaayshii iyo akhyaartii u soo halgamay xorriyadda wadanka, salaadiin, cuqaal ka socota beelaha Soomaaliyeed oo idil, culumaa’uddiin, indheergarato, ganacsato waxa ay kulligood isku wada raaceen ineyan iska indha tiri karin xilka iyo waajibka saaran – xag Islaannimo iyo xag Soomaalinimoba – xaaladda khatarta ah ee uu ku sugan yahay dalkeennu, kana aamusi karin dhibaatooyinka aan ku jirno oo aan loo adkaysan karin.
Guddiga suluxa ayaa waxay ku baaqeen in la qabto shiwayne soomaaliyeed oo lagu qabto goob dhex-dhexaad ah waxayna soo jeediyeen si loo xaqiijiyo abaabulka Shirweynahaas, in horta la dhiso guddi lagu magacaabo GUDDIGA DIYAARINTA SHIRWEYNAHA SULUXA IYO BADBAADA UMMADDA oo ka kooban akhyaar Soomaaliyeed oo xurmad iyo kalsooniba shacbiga ka heysta.
Waxayna soo jeediyeen in guddigaas ay kuu haboon yihiin:
- Xaaji Aaden Cabdulle Cusmaan – Madaxweyne Hore
- Sheekh Mukhtaar Maxamad Xusseen – Madaxweyne iyo guddoomiye baarl. hore
- Xaaji Muuse Boqor – Wasiir hore
- Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble – Wasiir hore
- Dr. Maxamad Raajis Ahmad – Mudane Baarlamaan hore
- Maxamad Abshir Muuse – Taliye ciidanka biliiska hore
- Dr. Maxamuud Sheekh Axmad – Guddoomiye Maxkamad Sare hore
- Suldaan Duulane Rafle Guuleed – Odey dhaqameed Soomaaliyeed
- Cali Shido Cabdi – Guddoomiye ku-xigeyn SYL iyo Safiir hore
- Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac – Odey Soomaaliyeed
- Xaaji Jirde Xusseen Ducaale – Ganacsade
- Sheekh Ibraahim Suuley – Caalim Diinta Islaamka
- Sheekh Shariif Sharafow – Caalim Diinta Islaamka
Akhriso Bayaankii ay guddiga suluxa iyo badbaadinta qaranka soomaaliyeed Muqdisho kasoo saareen 15 may 1990





