GUDOOMIYIHII GOBOLKA MUDUG OO QARAX LAGU DILAY

5l7
17 May 2020 (Puntlandes) Qarax ayaa goor dhow maagaalada Gaalkacyo ka dhacay, gaar ahaan afka hore ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo uu ka soo baxayey gudoomiyaha gobolka Mudug Ahmad Muuse Nuur.
 
Mootada loo yaqaan Bajaajka ayaa waxay isku qarxisay gaariga Gudoomiyaha oo ka soo baxayey xarunta, waxaana isla goobtaa ku geeriyooday Gudoomaiayahii gobolka iyo 3 ilaaladiisa ka mid ah.

Waxaa sidoo kale naloo xaqiijiyey in ugu yaraan 3 qof oo dhaawac ah la geeyey mid ka mid ah Cisbitaalaga Gaalkacyo.

AUN gudoomiye Axmed ayaa waxa gudoomiyaha gobolka Mudug u magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni bishii May ee sanadkii 2019ka.

Puntlandes.com

About The Author