Sawirro: Wafti ONLF ah oo safar shaqo ku maray gobolka Doollo gaar ahaa Bariga Doollo

21 May 2020 (Puntlandes) Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayey xubin ka tirsan golaha dhexe/guddiga fulinta ee ONLF isla markaasna ah madaxa tababarrada iyo cilmi baarista Maxamuud maxamed jaamac iyo xubin ka tirsan golaha dhexe ee ONLF isla markaasna ah xigeeenka arrimaha siyaasadda ee heer Federaal xafiiska Adds ababa Isxaaq Ilkacase,.

Wafdiga ayaa waxay booqasho shaqo ku mareen Bariga gobolka Doollo gaara ahaan degmooyinka Galaadi, Bookh, Galxamur iyo deegaanada hoosyimaada.

Shacabka ku nool bariga gobolka Doollo ayaa waxay wafdiga ONLF u soo dhaweeyeen si ballaaran iyagoo muujiyey inay u hayaan taageero xoogan.

Madaxda Xisbiga ONLF Oo Gaadhay Tuuloyinka Hoos yimada Dagmada Galxamudh Ee Gobalka Doollo

Masuuliyiin Katirsan Madaxda Sare Ee Xisbiga ONLF Ayaa Gaadhay Tuuloyinka Hoos yimada Dagmada Galxamudh Sida

Dudun. Dugob. Bilcil Qu’raan. Galgaras.

Wafida ayaa waxay kulamo wacyigalin ah la yeesheen bulshada qaybaheda kala duwan, sida odaaysha, waxgaradka, dhalinyarada iyo haweenka, waxayna u sharxeen sida sida ugu fudud ee looga horgatagi karo ama la isaga Ilaalinkaro cudurka CoronaVirus.


Puntlandes.com

About The Author