Sawirro: DFS oo Qatar ka heshay agabka caafimaad ee looga hortagayo Covid-19

22 May 2020 (Puntlandes) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa Dowladda Qatar mar kale ka heshay  agabka caafimaad ee loogu talogalay kahortagga iyo xakamaynta xanuunka Covid-19.

Qoraal lagu daabacay barta ay wasaaradda Arimaha Dibadda DFS ku leedahay facebook ga ayaa lagu qoray sidaan “16 May, DFS waxa ay guddoontay 10 tan oo shixnad kaalmo agab caafimaad oo Qatar ay u kala dirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kana koobnaa af-saabka (maaskaro), gacmo gashiga (galoofyo), dharka ilaalinta leh iyo dareeraha gacmaha lagu nadiifsado”

Sidoo klae qoraalka ayaa lagu sii yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Dowladda aanu walaalaha nahay ee Qatar deeqdeeda agabka caafimaad ee loogu talogalay kahortagga iyo xakamaynta xanuunka safmarka ah ee Karoona feyrus, waxa ayna caddaynaysaa inuu xooggan yahay xiriirka labo geesoodka ee labada dal ka dhexeeya”


Puntlandes.com

About The Author