Wasiir Fiqi oo digniin u diray Ganacsatada iyo shacabka reer Galmudug

28 May 2020 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Ganacsatada iyo shacabka reer Galmudug ay uga digayaan in Alshabaab ay siiyaan lacagaha loogu yeero zakawaadka oo uu tilmaamay inay tahay baad shacabka in muddo laga qaadayay.






Axmed Fiqi ayaa sheegay in sida Alshabaab ula dagaalamaan oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka Alshabaab siiya lacagaha baada.

Waxaa uu sheegay in dhowaan ay Baarlamaanka Galmudug horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka Argagixisada, si wax badan uga bedelaan qorshaha lagula dagaalamayo Alshabaab iyo cida taageerta.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Wasiir Axmed Macalin Fiqi wuxuu waday tallaabooyin ku aadan dhinaca amniga.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa la sheegaa in Alshabaab ay ganacsatada iyo shacabka uga qaadaan zawakaat lacago iyo xoolaha, waxaana dhowr jeer dhacay isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka iyo Alshabaab oo la xiriiray qaadista zakawaatka laga uruuriyay.

About The Author