Sawirro: Madaxwaynaha Jubaland oo hoolka Waamo ee magaalada Kismayo ka furay shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbada Hoose.

31 May 2020 (Puntlandes) Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubaland Axmad Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hoolka Waamo ee magaalada Kismayo ka furay shirka dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaannada Jubbada Hoose.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dawlad goboleedka Jubaland wuxuu u jeedkiisu yahay in si kama dambays ah loo soo af meero colaaddan soo laalaabatay.

Waxaa kulankan goob joog ka ah odayaasha dhaqanka beelaha ay dirirty dhex martay, masuuliyiinta amniga dawlad goboleedka Jubaland, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Jubaland iyo wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada dawlad goboleedka Jubaland.





Puntlandes.com

About The Author