Madaxtooyada oo Aqalka Sare ka joogsatay inay kulmaan

KODAK Digital Still Camera

27 june 2020 (Puntlandes) Senator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada inay isbaaro u dhigatay kulankii Aqalka Sare ee saaka furmi lahaa, kaasoo u baaqday kooram la’aan.






Senator Iftin iyo dhowr Senator kale oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Sare ayaa sheegay in saaka uu Golaha lahaa kulanka ansixinta xubin ka mid ah Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, balse kooramka oo wax yar ka maqnaa uu kulanka u furmi waayay.

“Aqalka Sare waxaa isbaaro cad u dhigtay Madaxyooyada Villa Somalia, Senataradii ku sugnaa magaalada in aysan imaanin kulanka maanta ayay xalay oo dhan ka shaqeynayeen,  Aqalka wuxuu yeeshay gafuurkii Madaxtooyada”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in waxa ka socda Aqalka Sare maalmahan ay tahay arrin siyaasadeed oo ka socota Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo lagu duminayo Aqalka Sare, si la mid ah sidii la yeellay Golaha Shacabka, markii la ridayay Guddoomiye Jawaari.

Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sabab u noqday in Senatarada Golaha ay labo garab kala noqdaan, dhinac taageersan Madaxtooyada oo ka soo horjeestay tallaabooyinka Guddoomiyaha iyo dhinac Guddoomiyaha ku taageersan mowqifkiisa.

Puntlandes.comn

About The Author