Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Filed under: Wararka maanta |

Gaalkacyo : 27 June 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug


Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: ​Dastuurka ​Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:​ Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug

Markuu arkay:​Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=