Ansixintii shalay ee matalaada Muqdisho u ekaa magacaabistii Sheekh Shariif 2012kii ee uu gobolo iyo degmooyin badan ku magacaay iyo kala diristii Jubaland ee uu sameeyey Baarlamaanka 9aad.

Ansixintii shalay ee matalaada Muqdisho u ekaa magacaabistii Sheekh Shariif 2012kii ee uu gobolo iyo degmooyin badan ku magacaay iyo kala diristii Jubaland ee uu sameeyey Baarlamaanka 9aad.






Shalay wixii ka dhacay Golaha Shacabka waxay ahayd olole ku darsi oo sharcidaro ah oo uu waday madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa doonaya kaliya inuu iska damiyo ama aad u qafiifiyo muddo kororsigiisa diidmo uga timaada siyaasiyiinta iyo shacabka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waana taas sababta uu sifo aan ahayn sidii dastuuriga ahayd oo ah ismaqiiq uga ansixiyeyey golaha Shacabka wax uu ugu yeeray ”Matalaad”.

Qodobka 12aad ee dastuurka Soomaaliya wuxuu ka hadlayaa in Maqaamka Caasimadda laga heshiiyo oo sharci ay ka soo saaraan labada Aqal ee Baarlaanka Soomaaliya. Muqdisho ma Caasimad leh Baarlamaankeeda, madaxdeedana doorata ayey noqonaysaa mise dawlad Goboleed waa taas mida laga heshiinayaahi. Farmaajo isagoo dantiisa eeganaya ayuu hareer maray sifahii dastuurka ku caddayd.

Haddii aynu niraahno waxaa golaha Shacabku ansixiyeen Senataro ay Muqdisho ku yeelanayso Aqalka Sare yaa soo dooranaya, ma farmaajo si ay u doortaan? Ileen maqaan ma leh Muqdisho e.

Shalay waxaa kale oo dhacday labo arimood oo ku tumasho sharci ah kuwaas oo midna ay gashay Madaxtooyada Soomaaliya midna uu galay Gudoomiyaha golaha Shacabka Mursal.

Waa tan koowaade Aqalka Sare oo kulmi lahaa ayey Madaxtooyadu u diiday inuu shir yeesho, iyagoo Askar ku daadisay wadooyinka gala.

Tan labaadna gudoomiye Mursal ayaa golaha shalay ka sheegay inuusan Aqal Sare wax door ah ku lahayn Dastuur bedelid iyo wax ka gaarista go’aanada masiiriga ah, isagoo ku tilmaamay Aqalka mid magac u yaal uun ah.

Waa su’aale haddii ay Farmaajo iyo Mursal ku tilmaameen Aqalka Sare inuusan door ku lahayn dalka, maxay u leeyihiin waxaanu usoo dhicinay inay Muqdisho hesho Matalaad? Maxay qiimo leeyihiin Senataro ka tirsan Aqal magac u yaal uun ah?

Arintii shalay dhacday oo ah olole ku darsoasho ayaa waxay isoo xasuusisay sanadkii 2012kii markii madaxweynihii DKMG Sheekh Shariif uu inta uu qalin iyo warqad qaatay magacaabay gobolo iyo degmooyin badan, isagoo ujeredadiisu ahayd ololaha uu mar kale ku raadinayo xilka meelna iska dhigay Sharci iyo sifooyinka lagu magacaabayo degmooyin iyo gobolo.

Waxaan xasuustaa Muqdisho iyo Afgooye oo isku jira wax ka yar 20km ayuu wuxuu dhexdooda ka magacaabay ugu yaraan 3 degmo, gobolka Hiiraan na wuxuu u qaybiyey gobolo.

Ma iswaydiiseen, xaggee ku dambaysay magacaabistaasi? Jawaabtu waa …..

Waxay kaloo dhacdadii shalay isoo xasuusisay Mooshinkii uu Baarlamaankii 9aad ku kala diray dawlad Goboleedka Jubaland, iyagoo u codeeyey inay kala direen kkkk xaggee ku dambeeyey go’aankaas ka so baxay Baarlamaankii dalka?

Dawladnimada iska orod ma ahan ee waa ku dhaqan sharci iyo wixii ay ummaddu ku heshiisay, haddii aad iska orodo adoo dantaada oo kaliya fiirsanaysa ma keenayso wax macno ah sharcina ma ahan, wixii aan sharci ahayna ma shaqayn doodaan sidii aysan u shaqayn magacaabistii Sheekh Shariif iyo kala diristii Baarlaamnka Fedraalku kala diray Jubaland, ayeysan u shaqayn doonin ololaha Farmaajo.

Waxaa kale oo aad muhiim u ah in aysan ummadda soomalaiyeed ku sirmin kala qaybinta beelaysan ee Farmaajo wado isagoo ku sheegaya inay jiraan Beelo ka soo horjeeda inay Muqdisho hesho ”Matalaad”. Farmaajo ayey ahayd inuu ka shaaqeeyo inay Muqdisho hesho Maqaamka ay u qalanto, maamulkeedana ay iyadu doorato una madaxbanaanaato waana taas midda uu Farmaajo diidan yahay.

WQ Mahdi Yuusuf Dhuux

About The Author