Farmaajo oo galabta ku wajahan Dhuusamareeb

18 July  2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shir u dhexeeya dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo dawladda Fedraalka.






Shirka oo looga arinsanayo nooca doorasho ku dhacda waqtigeeda, taas oo ay tahay in lagu doorto Baarlamaanka bedeli lahaa kan iminka oo muddo xileedkiisu dhamaanayo november 2020.

Waxaa muuqata ifafaalo ah inuusan madaxweynuhu ka tanaasuli doonin waqti kororsiga uu doonayo, taas oo ku gaarayo waa inay dalka ka dhacdaa doorasho qof iyo cod ah sida uu caddaynayo dastuurku laakiin ay adag tahay in dalka laga qabto xataa 3 sano ka dib.

Dhinaca kale waxaa waxaa iyana la filayaa inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe) oo iminka ku sugan caasimadda Puntland ee Garowe.

Puntlandes.com

About The Author