Madaxweyne Deni ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Golaha dhexe ee Ururka ayaa sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash u doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa isna loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH.






Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey sida bulshada Puntland ugu heelantahay hanaanka Dimuqraadiyadda ku dhisan ee Xisbiyada badan.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada in aysan Dowladda $1 (Hal doolar ) oo lacag dowladdeed ah ku bixin ururka, wuxuuna gaar ugu mahadceliyay xubnaha Ururka Doorka ay ka qaateen hirgelinta ururka si gaar ah ganacsatada oo kharashkooda ku bixiyey.

About The Author