Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga qaban-qaabada xafladda 1-ogoosto

Garoowe: Luulyo, 18, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda xuska 01-Ogoosto oo ku beegan Aasaaskii dowladda Puntland ee Soomaaliya 22-sano kadib.






Waxaa guddiga qabanqaabada iyo diyaarinta xafladda maalinta Asaaska Dowladda Puntland loo magacaabay wasiirada iyo masuuliyiinta hoos ku qoran:-

1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)
3. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada
Maxamed Xasan Ciise (Xubin)
4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada
Maxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin)
5. Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin)
6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin)
7. Taliyaha Ciidanka Booliska
Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
8. Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada,
Cabdiweli Cali Cabdulle (Xubin)

-DHAMMAAD-

About The Author