Shalay oo ay ku ekayd qabashada shirwaynayaasha Ururada Siyaasadeed ee Puntland iyo Guddiga doorasha Puntland oo..

23 July 2020 (Puntlandes) Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayad 22 July ku ekaa qabashada shirwaynayaasha Ururada Siyaasadeed ee Puntland, waana hawshii ama shaqada ugu dambaysay ee ay Ururadu qabtaan si ay u buuxiyaan shuruudaha isdiiwaangelinta kadibna u helaan shahaadada rasmiga ah ee ururnimo.






Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland TPEC Guuleed Saalax Barre ayaa qporaal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in Guddigu uu Qiimayn ku samaynayo sida Ururadu u buuxiyeen shuruudaha, dhowaana lasoo gebogebayn doono,

Todobaadka ugu horeeya bisha Agoosto ayaa la shaacin doonaa liiska Ururada kasoo gudbay qiimaynta kuna guulaystay inay helaan shahaadada rasmiga ah ee ururnimo.

Ururada la guddoonsiiyo shahaadada rasmiga ah ayaa waxay isu diraarindoonaan doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Puntlandes.com

About The Author