Sawirro: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo daah Furay Kalafadhiga 7aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug

23 July 2020 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur(sanyare) oo daah Furay Kalafadhiga 7aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur(sanyare) oo daahfuray kalafadhigii 7aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xarfo ayaa waxaa goob joog ahaa isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland, aqoonyahano, Culimo, ururada Haweenk iyo Shacab wayne kale.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur(sanyare) oo Madasha ka hadlay ayaa umahadceliyey dadkii soo qaban qaabiyey munaasibadan quruxda badan, Gudoomiyaha ayaa dardaaran ujeediyey Golaha Deegaanka ” waxaa idiin bilaabanayah maalmo Shaqo oo aad iskula xisaabtami doontaan waxii la qabtay iskulana wadaagi doontaan baahiyihii aad ka soo uruuriseen Bulshada, ilaaliyah nidaamka kalafadhigah hala soo wada xaadiro oo hala isla xisaabtamo, waxaan uga mahadceliyey Gudoomiyaha iyo Golihiisah wax qabadkoodii baaxada waynaa ee ay nala wadaageen, waxaan leeyahay wax intaa kabadanah waa idiin dhimanyihiin “.




Puntlandes.com

About The Author