Khayre oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

25 July 2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka in kalsoonidii lagala laabtay xukuumadiisa uuna aqbalay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii uu gelinkii dambe ee maanta ka soo kicitimay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.






Khayre oo safarkiisa ay ku weheliyeen xubno kamid ah labada gole ayaa gaaray Madaxtooyada oo uu degenaa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xasan Cali Khayre oo ku saabsan xilka qaadistiisa,waxaana lagu wadaa in uu caawa qabto shir jaraa’id.

Golaha Shacabka ayaa kulan uu maanta  yeeshay kaasoo muran iyo fowdo ka dhashay waxa uu guddoomiyaha baarlamaanka ugaga dhowaaqay in kalsoonidii lagala noqday xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Puntlandes.com

About The Author