Madasha Xisbiyada Qaran oo War-murtiyeed ka Soo saartey qalalaasaha siyaasadeed ee dalku galay

25 July 2020 (Puntlandes) Madasha Xisbiyada Qaran ayaa War-murtiyeed ka Soo saartey qalalaasaha siyaasadeed ee dalku galay, iyadoo maanta uu sheegay golaha Shacabku inay xilkii ka qaadeen Ra’iisl wasaaraha dalka Xasan cali Khayre.

Qoraalka Madasha  ayaa lagu yiri ”Madaxshu waxay u aragtaa kalsooni kala noqoshada xukuumadda JFS in u jeedadiisu tahay ahayd carqaladayn iyo burburin goäaamadii shirka Dhuusamareeb, isla maerkaasna ay tahay mid loogu gogol xaarayo muddo kororsi aan sharci ahayn”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla markiiba maanta aqbalay xilka ka qaadista Khayre waxa uuna ku sime u magacaabay ku xigeenkiisii Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).





Puntlandes.com

About The Author