Sawirro: Wasiirka Dekedaha oo warbixin siiyey iyo Baarlaamnka Puntland oo dib u dhigay ka doodista Dib u eegista heshiiska P&O Ports (muuqaal)

27 July 2020 (Puntlandes) Fadhiga 28aad ee Kalfadhiga 46aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa Dib-u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD).

Golaha ayaa waxaa horyimidWasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino). oo ay shalay u yeereen si ay warbixin la xiriirta heshiiska uga dhegaystaan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada dawladda Puntland ayaa ka dhageystay warbixinta Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ka dibna su’aallo weydiiyay arrinta Dekadda Bosaso.

Xildhibaannadda Golaha Wakiillada ayaa yeeshay dood, ka dibna waxaa cod u qaadeen dib u dhigista qodobka Ajandaha ee Dib u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD) illa Kalfadhiga 47aad.

Fadhiga oo ay joogeen 48 mudane ayaa waxaa u codeyay Ogol 35 Xildhibaan, halka ay diideen 3 Mudane, ayna ka Aamuseen 10 mudane.

Puntlandes.com

About The Author