Golaha Wasiirada oo ansixiyay Xubno ay ka mid yihiin Guddiga Farsamada ee shirka Dhuusamareeb (muuqaal)

30 July 2020 (Puntlandes) Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay xubno kala ah maareeyayaal iyo xubno ka kala tirsan guddig farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka.

Shirka Dhuusamareeb 2 ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Xubnaha guddiga ayaa ah 16 ay 6 ay ka imaanayeen DFS halka 10 xubnoodna ay ka imaanayeen DXDFS, golohu waxay aanta ansixiyeen 14 xubnood oo  waxaan wali soo magacaabin Galmudug oo laga sugayo siday goluhu sheegeen.

Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa ansixiyey shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo ka mid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka.

Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali Cismaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar

Golaha ayaa waxay kaloo ansixiyeen sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, iyadoo aysan dawladda Puntland soo magacaabin xubin.

Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa kala ah:

Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye)

Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen),

Ibraahim Axmed Leyte (Xubin),

Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin),

Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin),

Axmed Xaaji Cabdi (Xubin),

Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo

Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).


Puntlandes.com

About The Author