Sawirro: Madasha Xisbiyada Qaran oo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug xaruntooda

30 July 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Madaxweynihi hore Xassn Sheekh ayaa xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Siyaasadeed, maareynta marxaladda kala guurka ee Dalka iyo dhaqan gelinta heshiiskii Dhuusamareeb.

Sidoo kale Gudoonka Madasha ayaa Madaxwayne Qoorqoor ugu Hambalyeeyey Isbadelka xoogan ee uu Galmudug ka sameeyey.


Puntlandes.com

About The Author