DAAWO WASIIR BEYLE OO SHEEGAY IN XARUMAHA DAWLADDA DHAWAAN KORONTADA LAGA GOOSAN DOONO LACAG LAÄAN AWGEED

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha Shacabka ka sheegay inuu aad isku dhinmay Dakhligii u soo xaroon jiray dawladda Federaalka bil walba., isagoo sheegay in ay dawladda u soo xaroon jirtay 26 malyan oo doolar bil walba iyadoo qarash ahaan u bixin jirtay 26 kaas oo uu Qarashku ku salaysnaa Dakhliga.

Sanadkaan ayuu noqday dakhliga u soo xarooday dawladda 14 malyan oo kaliya bil walba, taas oo keentay in bil walba lagu yeesho dawladda 12 malyan oo doolar.
Sidoo kale wasiirka ayaa caddeeyey in dalal saaxiibo la ah Soomaaliya oo bixin jiray mushahaarka Ciidamo badan ay jarteen lacagtii ay bixin jireen, mana sababayn jarashada laakiin waxay wadamadii dawladda Federaalka ka taageeri jiray dhanka Ciidanka jarteen markii dawladdu ku duushay gobolka Gedo.
Beyla ayaa sheegay inuu yahay qarashka Ciidanka oo kaliya 18 malyan oo doolar bishii halka ay dawladda dakhliga soo gala bishii oo dhan uu yahay 14 malyan.
Wasiirku waxa uu sheegay inay dayn ku nool yihiin iminka, dhawaana ay jiri doonto xarumo ay dawladu ku shaqayso oo laga jaran doono Korontada markii ay dawladu waysay itaal ay ku bixiso.
Hoos ka daawo hadalka wasiirka

Puntlandes.com

About The Author