Magacyada xubnaha Guddiga Farsamada u matalaya Dowladda Federaalka

Waxaa la soo bandhigay lixda xubnood ee dowladda Federaalka u matalaya Guddiga Farsamada ee ka soo baaraan dagaya hannaanka doorashooyinka ee dalka uu aadayo.

Guddigan Farsamada oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ayaa ka kooban illaa 16 xubnood oo 10 ka mid ah ay ka imaanaya shanta dowlad goboleed.

Xubnaha Guddiga dowladda Federaalka u magacawday Guddiga Farsamada ayaa Wasiirka Dastuurka, laba xubnood oo ka socda Xafiiska madaxweynaha, hal xubin oo ka socota xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Labo xubnood oo ka socda Gobolka Banaadir.

Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa horay u magacaabay min labo xubnood oo ah xubnaha Guddiga Farsamada.

Shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay ka qeyb galeen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeedka laga soo saaray waxaa uu dhigayay in la sameeyo Guddi Farsamo oo ka baarana daga doorashooyinka dalka.

Puntlandes.com

About The Author