Daawo Video: Madaxweyne Deni oo sharcidarro ku tilmaamay magacaabista Golaha Adeega Garsoorka & Hay’adda Batroolka

02 August 2020 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 22 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Puntland oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sharcidarro ku tilmaamay in ay magacaabis sameeyaan Golaha Wasiirada Xukuumaddii dhacday ee xilka sii haya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay sharcidarro tahay Hannaanka loo maray magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya isla markaana aysan Puntland aqoonsan doonin midkoodna.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan sharciyad u haysan magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya sidaas darteedna ay sharci-darro tahay magacaabistooda.

Sidoo kale wuxuu Dalalka Caalamka uga digay in aysan saxiixa Farmaajo ku iibsan Khayraadka Soomaaliya oo aysan heshiis ku ahayn Dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxa uu madaxweyne Deni ka hadlay shirka lagu balansan yahay Dhuusamareeb, waxa uuna sheegay in si adag lagu xisaabtami doono shirkaas oo uusan noqon doonin sidii kiii hore oo ay niyad wanaag la tageen, taas oo uu mudgi geliyey madaxweyne Farmaajo.


Puntlandes.com

About The Author