Shirweynaha Wadatashiga Beelaha Mudullood oo Muqdisho ka furmay

03 August 2020 (Puntlandes) Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Wadatashiga Beelaha Mudullood, wuxuuna ka furmay Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ee degmada Hodan.

Madaxda ka qaybgalaya waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shirweynaha Wadatashiga Beelweynta Mudullood, kaasoo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho.

Puntlandes.com

 

About The Author