Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeer ku tegay Kastamka Tuur-dibi oo ku yaalla xuduuda Puntland iyo Ethiopia (muuqaal)

Tuur-dibi: 04 August 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku tegay Kastamka Tuur-dibi oo ku yaalla xuduuda Puntland iyo Ethiopia, oo dib-u-howlgelintiisu ay meel wanaagsan marayso.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda Puntland ee xarunta iyo Qunsulka Ethiopia ee Puntland Mebrath Welde Aregy, oo dhammaantood bogaadiyey dadaalka dowladdu ku bixisay howlgelinta kastamka Tuur-Dibi.

Kastamka ku howlgeli doona bar-cashuureed iyo Waaxdii Socdaalka ee isu socodka dadka, waxaa sidoo kale qorshuhu yahay Mustaqbalka inuu noqdo xudun Dhaqaale oo caalami ah oo loosoo dukaameysi tago.

Dowladda Puntland waa ka go’antahay howlgelinta Kastamka sida ugu dhakhso badan, waxayna taasi qeyb ka tahay qorshaha horumarinta dhaqaalaha iyo dakhliga dalka.




Puntlandes.com

About The Author