Sawirro-muuqaalo: Madaxweyne Deni, oo booqashadiisii galbeedka gobolka Mudug maanta ku tagay degmada Saaxo

Saaxo : 05 August 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Saaxo.

Wuxuu Madaxweynuhu warbixin ku saabsan baahiyaha ka jira deegaanka ka dhegaystay Hoggaanka dhaqanka, Waxgaradka iyo haldoorka Bulshada. Dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay Booqashada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda degmada Saaxo.

Madaxweyne Deni ayaa Bulshada degmada Saaxo uga mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan, wuxuuna la wadaagay xarumaha Dowladdeed ee uu xariga kajaray, kuwa la dhaggax dhigay iyo qorsheyaasha waxqabad ee degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa hadda dhagax dhigay mashruuca balaarinta Dhismaha Dugsiga Hoose/dhexe, dhismaha Dugsiga Sare iyo Guriga Hoyooyinka ee degmada Saaxo.


Wafdiga Madaxweynaha waxaa ay isugu jiraan Goleyaasha Dowladda, Lateliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka , Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.
Daawo Madaxweynahe Deni oo siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Saaxo ee gobolka Mudug


Daawo Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Saldhiga iyo Maxkamadda degmada Saaxo ee gobolka Mudug

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Saaxo ee gobolka Mudug

About The Author