Sawirro-muuqaal:  Shir u dhaxeeya laamaha Amniga iyo Warbaahinta oo ka furmay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo

05 August 2020 (Puntlandes) Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta oo auy taariikhdu tahay 05 August, 2020 ka furey magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug shirka warbaahinta iyo laamaha amaanka kaasi oo socon doona laba maalmood.

Shirka ayaa waxaa daah furay Duqa degmada Galkacayo Saahid Maxamuud Cali, waxaana ka qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Puntland Eng Maxamed Ciise Cismaan, Taliye xigeenka Booliska Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen, Madaxda iyo masuuliyiinta warbaahinta iyo qareeno madax-banaan ka soo qaybgalay.

Kulankan ayaa ah kii 5aad oo MAP qabato waxaana ujeedkiisu yahay isku soo dhoweynta iyo xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhaxeeya warbaahinta Iyo laamaha amaanka Puntland.



Puntlandes.com

About The Author