Daawo hadaljeedintii Amiir Maxamuud uu kaga hadlay arimo badan oo khuseeya degmada Bursaalax

08 August 2020 (Puntlandes) Hadaljeedintii Amiir Mohamud Yuusuf Ciise uu ka jeediyay kulankii Madaxwaynaha Puntland iyo Bulshada Dagmada Bursalax ee Gobolka Mudug.

Amiirka ayaa dul istaagay mashaariicda waawayn ee ay shacabka degmada Bursaalax soo wadeen laga soo bilaabo sanadkii 2000ki. Amiirku wuxuu hoosta ka xariiqay baahiyaha iminka jira, isagoo ka codsaday madaxweynaha:

• In loo dhiso Gole deegaan oo ku dhisan cadaalad, iyadoo lagu qaybinayo deeganka sida loo kal degen yahay
• In dawladdu wax ka qabato xagga aminaga degmadda oo la xoojiyo Ciidanka amniga.
• In Cisbitaalka magaaladu helo wixii uu xaqqa u lahaa
• Inay dawladdu kala shaqayso shacabka iypo maamulka degmadda sidii loo sii horumarin lahaa.

Ugu dambayn Amiirka ayaa ku booriyey shacabka degmada inay bixiyaan canshuurta dawladda si dalka loogu horumariyo., garabna istaagaan dawladda madaxweyne Deni.

Puntlandes.com

About The Author