Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo la dilay

09 August 2020 (Puntlandes) Taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliayha ayaa lagu dilay gaadmo ay u gaysteen Malayshiyo horay u haysatay Xerada Kabka oo ay xalay ka wareegtay dawladda, waxaa kale oo ka dhashay falkaas dhimasho askarei ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada halka dhaawacna uu jiro.

Malaysiyaddii falka gaysatay oo tiuaradoodu lagu sheegay 5 ilaa 7 ayaa goobta ka baxsaday, kadib markii ay si gaadmo ah rasaas ugu fureen AUN Taliyaha iyo ciidankii ku sugnaa Xerada Kabista.

Ciidamada amniga dawladda Puntland ayaa ku raad jooga malayshiyadii falkaas gaysatay.

Puntlandes.com

About The Author