Daawo Puntland oo faahfaahisay Howlgal ay ka bilowday magaalada Gaalkacyo

09 August 2020 (Puntlandes) Puntland oo si adag uga hadashay Howlgal ay ka bilowday magaalada Gaalkacyo oo ay kula dirirayso kuwa maandooriyaha ka beecmushtara.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay howlgalkii maanta ka dhacay magaaladda, ee uu ku geeriyooday Taliyihii Madaxtooyada iyo Askari ka tirsan ciidanka Madaxtooyadda.
Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen Cabdi Yare iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare oo ka qayb galay Aaska Alla ha u naxariisto Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada G/sare Cismaan Cumar Maxamed iyo saddex xarigle Axmed Yuusuf Cabdi ayaa dhammaantood si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in Dowladda ay ka go’antahay soo afjarida wax kastoo lidi ku ah amniga Gobolka oo maandooriyihu u horeeyo.
Waxay Shacabka Gobolka iyo odeyaasha dhaqanka gaar ahaan Beesha reer Khalaf uga mahadceliyeen, sida wanaagsan ee ay dowladda ugula shaqeynayaan Amniga iyo horumarka Gobolka.


Puntlandes.com

About The Author