Daawo Beesha Reer Khalaf oo caddaysay inay Dowladda Puntland ku garabtaantahay howlgalka amni sugidda

09 August 2020 (Puntlandes) Beesha Reer Khalaf oo caddaysay inay Dowladda Puntland ku garabtaantahay howlgalka ka dhan ah dadka Maandooriyaha ka ganacsada.
Amiirka Beesha reer Khalaf Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Nabadoonada Feysal Caaqil Jilba Jabsade iyo Cabdi Nuur Faarax Xade, ayaa si adag uga hadlay howlgalkii saaka ka dhacay gaalkacyo, waxayna caddeeyeen inay dawladda Puntland ku garab taagan yihiin hawlgalka ay kula dirirayso dadkaas.
Waxay kaloo uga mahadceliyeen dawladda iyo madaxweyne Siciid Cabdulaahi ka shaqaynta amniga magaaalada Gaalkayo.
Sidoo kale Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire oo si guud ugu hadlay Beelaha Cumar maxamuud ayaa sheegay in beeshu ku garab taagan tahay dawladda Puntland la dagaalanka maandooriyaha iyo kuwa ka beecmushtara.
Wasiiro ka tirsan dawladda Puntland, Isimo, Nabadoono, maamulka gobolka ayaa ka ka qayb galay Aaska Alla ha u naxariisto Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada G/sare Cismaan Cumar Maxamed iyo saddex xarigle Axmed Yuusuf Cabdi oo ku geeriyooday howlgalkii saaka Ciidamada dowladdu kula wareegeen xerada Kabista.


Puntlandes.com

About The Author